SAWIRRO:-Guddiga Xuququl Insaanka Iyo Arrimaha Haweenka Ee Golaha Shacabka Oo Ka Shiray Tacadiyada Ka Dhanka Ah Dumarka

0

Guddiga xaquuqul insaanka iyo arrimaha haweenka ee Golaha Shacabka ayaa maanta xarruunta Villa Hargeysa waxa ay ku qabteen kulan dood wadaag ah oo looga hadlaayay arrimaha xaquuqul insaanka gaar ahaan tacadiyadda ku salaysan galmadda.

Sidoo kale kulankaan dood wadaaga ahaa ayaa waxaa dib eegis lagu sameeyay caqabadaha hortaagan ama hagiyay hindise-sharciyeedka dambiyadda jinsiga oo horay loogu qeebiyay xildhibaanadda Golaha Shacabka.

Kulankaan dood wadaaga ahaa ayaa waxaa ka qeyb galay haweenka labada aqal ee baarlamaanka soomaaliya uu ka gooban yahay ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.
Inta uu kulanka dood wadaaga ah socday ayaa waxaa la isla meel dhigay qodobada saldhiga u ah tacadiyada ka dhanka xaquuqul insaanka.

Xildhibaanadda haweenka ah ee ku jira laba aqal ee baarlamaanka soomaaliya ayaa ka codsaday guddoonka golaha shacabka in sharciga Jinsiga lagu soo daro ajendaha kowaad ee kalfadhigga soo socda ee golaha shacabka.