DAAWO:-Maamulka G/Banaadir oo balan qaaday bixinta mushaarka Qoyskii ay ka tageen Mas’uuliyiintii ka tirsanaa Maamulka

0

Maamulka gobolka Banaadir ayaa dammaanad qaaday in aan la joojin doonin mushaaraadkii ay qaadan jireen Howlwadeenadii ka tirsanaa Maamulka ee ku geeriyooday qaraxii ka dhacay aqalka dowladda Hoose, si loogu daryeelo agoontii ay ka tageen.

Sii Hayaha Xilka Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye kuxigeenka maamulka Maaliyadda Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere) oo kulankaan garab istaagga ah u sameeyey agoontii ay ka tageen dadkii ku shahiiday Qaraxii 24-kii July ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir, ujeedada kulanka ayaa aheyd in lagu muujiyo sida maamulka Gobolka ay uga go’an tahay sii wadidda taageerada iyo daryeelka agoontaas.

Sii hayaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xog wareysi uu ugu kuurgalayey xaaladda agoonta mid mid ula yeeshay carruurta kulanka loo sameeyey, waxaana uu mar kale uga tacsiyaddeeyey agoonta in waalidiintooda ay ku dhinteen iyagoo u adeegaya ummaddooda, taasna ay sharaf iyo cisi u tahay iyaga iyo caa’illadooduba.

Guddoomiye Ibraahim Dheere ayaa sheegay in inta uu joogo xafiiska uu dadaal xooggan ku bixin doono joogteynta daryeelka Agoonta, isla markaana ay si wadi doonaan bixinta mushaaraadkii ay qaadan jireen waalidiinta Agoontan.

Tallaabadan ayaa ah mid ugub ah, tan oo mas’uuliyad gaar ah saareysa dhammaan mas’uuliyiin kala duwan ee dowladda gaar ahaan maamulka gobolka Banaadir.

Agoonta kulanka ka soo qeyb-gashay ayaa soo dhoweeyey tallaabadan kuna tilmaamay mid muujineysa bani’aadannimo damqasho, loona baahan yahay in cid walba oo masuul ah ay sidaas oo kale u qaaddo tallaabooyin lagu daryeelayo ubadkii ay ka tageen dadkii mudada dheer u adeegayey shacabka caasimadda.