Shir looga hadlayo isgaarsiinta oo maanta ka furmaya Baydhabo

0

Waxaa Maanta oo Talaado ah lagu wadaa in Magaalada Baydhabo uu ka furmo shir wadatashi ah oo u dhaxeeya Wasaaradaha Boostada iyo isgaarsiinta xukuummada Soomaaliya iyo kuwa Dowlad goboleedyada ka jira dalka.

Shirkan ayaa lagu wadaa  in uu furo Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Eng, Cabdi Canshuur Xasan oo shalay gaaray Magalada baydhabo,waxaa sidoo kale halkaasi ku sugan dhamaan Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee Dowlad Goboleedyada dalka ka jira.

Maxamed Nuur Sheekh oo ah Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tignolojiyadda Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in shirkaas uu ka rajeynayo in ay ka soo baxaan qodobo wax ku ool ah oo muhiim u ah Isgaarsiinta dalka.

Shirkan oo uu maanta Wasiirka ka furayo Magaalada Baydhaba ayaa waxaa xoogga lagu saarayaa Isgaarsiinta dalka iyo sidii loo buuxin lahaa baahiyaha dhinaca Isgaarsiinta ah ee ka jira dalka.