Masuuliyiin Ka Tirsan Dowladda Dhexe Iyo Madaxweynaha Somaliland Oo Ku Kulmay Sucuudiga

0

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda fedraalka Somalia ayaa waxa ay ku kulmeen dalka Sucuudi Carabiya waxaana ay ka midyihiin xujeyda Sanadkaan gudaaya acmaasha Xajka.

Wasiirada la kulmay Madaxweynaha Somaliland waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawod Wasiirka maaliyadda C/raxmaan Ducaaleh Beyle Wasiir dowlaha xafiidka Ra’iisul-wasaaraha iyo masuuliyiin kale.

Maamulka Somaliland ayaa isku arka dowlada ka madaxbanaan Somalia inteeda kale waxaana jiray kulamo looga hadlayay arrimahaas oo dhowr jeer ka dhacay wadamo ku yaalla caalamka.

Khilaaf kale ayaa soo kala dhex galay labada dhinac kadib markii dalka yare e dhaca galbeedka Africa ee Gini uu dowlad madax banaan u aqoonsaday Somaliland.

Maalmo kadibna dowladda fedraalka Somalia ayaa ku dhawaaqday in ay xiriirka u jartay dalka xiriirka u jartay Gini,go’aankaas oo sii murjiyay xaaladda labada dhinac.