Hogaanka Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Kulankii Dhex Maray Muuse Biixi Iyo Xubno Ka Tirsan DFS

0

Guddoomiyaha Xisbiga mucaradka Somaliland C/raxmaan Cirro oo shir jiraa’iid u qabtay Suxufiyiinta ayaa ka hadlay arrimo badan oo la xiriira deegaanada maamulka Somaliland oo ay ka mid yihiin dagaalo khasaaro geystay oo ka dhacay Ceel-afweyne.

Dhinacyada diriraya ayuu ugu baaqay in ay joojiyaan dagaalka aan macnaha badan ku fadhin ee ay maalin kasta dadka reer Ceel Afweyne ay ku dhamaanayaan.

Dhinaca kalana waxa uu soo hadal qaaday kulankii Sucuudiga ay ku qaateen Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi xubo ka tirsan golaha wasiirada Somaliya iyo wasiiro ka tirsan maamulka Somaliland.

In kasta oo uusan ku dheeraan ka hadlka arrintaas ayuu hadana waxa uu u soo qaatay maah-maahda ah “Soomalidu Waxay Tidhaahdaa Inaad Saamo Jiidiyo Sanqadh Tirasho Kala Da,aa Markaas Waxay Ila Tahay Way Cadahay Wax Waliba…“ Ayuu Yidhi Gudoomiye Ciro.

Waxaa maanta si weyn loo falan qeeynayay sawirro la soo geliayay baraha bulshada isaga oo madaxweynaha Somaliland uu la taaganyahay xubnaha ugu saamaynta badan golaha wasiirada Somalia.