Guddoomiye KMG Ah Oo Loo Doortay Baarlamaanka Jubbaland

0

Magaalada Kismaayo waxaa maanta lagu dhaariyay xubnaha cusub ee xildhibaanada baarlamaanka labaad ee maamulka axmed madoobe oo xalay lagu dhawaaqay.

Dhaarinta kadib xubnaha xildhibaanada ayaa Sheekh Cabdi Yuusuf Cali oo ah xildhibaanka ugu da’da weyn xildhibaanada Baarlamaanka 2-aad ee Jubbaland u doortay Gudoomiyaha KMG inta laga soo dooranayo guddoonka cusub ee maamulkaas.

Guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka Jubbaland ayaa qaabayn doona fadhiyada xildhibaanada ka shaqeynta guddiga doorasgada guddoonka baarlamaanka iyo shaqooyin kale oo muhiim ah.