Cudurka Ebola oo Qarka u Saaran in Laga hor Tago.

0

Caabuqa Ebola ayaa ku dhaw in uu noqdo cudur laga hor tagi karo lana daaween karo kadib tijaabooyin guulaystay oo lagu sameeyay daawooyin loogu tala galay in lagu daaweeyo.

Illaa iyo afar dawo ayaa lagu tijaabiyay bukaano la’il daran caabuqa Ebola kuna sugan jumhuuiyada dimoqoraadiga Congo.

Labo kamid ah daawooyinkaas ayaa lasheegay in ay noqdeen kuwo lagu daaween karo cudurka sida ay tilmaamayso daraasad lasameeyay.

Sida ay sheegayaan masuuliyiinta cafimaadka daawooyinkan ayaa loo isticmaali doonaa buukaanada ku sugan jumhuuiyada dimoqoraadiga Congo halkaasi oo ah meesha uu ka dilaacay caabuqa Ebola.

Machad daareeya arimaha ka hortaga cudurada fadhigiisuna yahay dalka Mareykanka ayaa ku tilmaamay natiijooyinka kuwo aad u wanaagsan lagunana dagaalami karo caabuqa Ebola.

Tan iyo markii uu cudurka Ebola ka dilaacay jumhuuiyada dimoqoraadiga Congo ayaa waxaa ladiiwaan galiyay in ay u geeriyoodeen dad gaaraya 1,800 oo ruux.