Akhriso:-Labo baarlamaan oo iska soo horjeedo oo looga dhawaaqay Jubbaland

0

Qaar kamid ah musharraxiinta diiddan tallaabooyinka guddiga doorashooyinka ee Jubaland ayaa ku dhawaaqay magacyada liiska xildhibaanada baarlamaanka labaad ee Jubaland.

Musharraxiinta mucaaradka ah ayaa waxay ka biyo diidsan yihiin hannaanka guddiga doorashada ay kusoo xuleen xildhibaanada, waxayna arrintani imaaneysaa xilli xaley guddiga doorashooyinka Jubaland ay shaaca ka qaadeen liiska xildhibaanada baarlamaanka cusub ee maamulkaas.

Waxaa uu khilaaf ka taagan yahay hannaanka doorashada oo ay kamid yihiin liiska odeyaasha soo xulayo xildhibaanada iyo qaabka loo qabanayo doorashadaas.