Soomaaliya oo maalintii labaad looga dabaal degayo ciidul Adxaa

0

Dadyoowga ku nool Magaalada Muqdisho iyo gobolada bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ayaa si weyn u ciidayo maalinti labaad ee Ciidul Adxa.

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, sida ay dadka kuu sheegayaan ma jirin ciidaan ciid ay uga wanaagsaneyd dhowrki sano ee lasoo dhaafay.

Maanta oo ah maalinti labaad ayey dadka Muqdisho iyaga oo raxan raxan u socda ay ku ciidayaan wadooyinka iyo xaafadaha iyo bartamaha magaalada, waxaana aad cariiri u ah baabuurta BL-ka iyo wadooyinka oo ay buuxiyeen caruur iyo dad waaweyn.

Dhalinyarada ayaa ah kuwo isugu hambalyeynayo ciida, halka dadka ay maanta doonayaan in ay booqdaan xaafadaha iyo qoysaska, sidoo kalana dadka idaacadaha ay ka dhiibanayaan salaamaha iyo  hambalyada ciida.

Dhanka kale gobolada dalka gaar ahaan koonfurya iyo bartamaha Soomaaliya ayaa sidaan oo kale looga ciidayaa maanta.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here