Mareykanka Iyo Talibaan Oo Qarka U Saaran Inay Heshiiyaan

0

Wadaxaajoodka u dhexeeya Maraykanka iyo Talibaanka Afghanistan ayaa si dardar leh uga socda magaalo madaxda Qatar ee Dooxa waxaanay labada dhinacba doonayaan in la gaadho heshiis taariikhi ah.

Waxaa jira calaamada sii kordhaya oo muujinaya in goor dhow heshiis lagaari doono ayna u badan tahay in la saxiixi doono toddobaadka soo socda.

Heshiiska ayaa waxaa ka mid noqon doono in ciidamada Mareykanka laga soo saaro Afghanistan halka Talibanna laga xasiixi doono in Afghanistan ay noqoto goob ka caaggaan kooxaha argagixsda sida Al Qaeda.

Taliban ayaa sidoo kale wada hadal la bilaabi doonto eregada mataleeysa dowladda Afghanistan.

Toddobaadkan ayay wadahallada u dhaxeeya Mareykanka iyo taliban xoogga la sii saaray iyadoo ergada ku shireysa magaalada doha ay ilaa saqda dhexe ku gaarayeen wada xaajoodka, xitaa waxaa la sheegay in jimcihii oo maalin shaqada laga nasto u ah muslimiinta ay shirayeen.

Afhayeen u hadlay ururka Taliban ayaa bilowgii toddobaadkan sheegay in arrimihii ugu waaweynaa haatan la xalliyay balse xallinta kuwa yar-yar ay weli u baahan yihiin in waqti la siiyo.

Mareykanka waxa uu horey ugu aqonsanaa kooxda Taliban koox argagixiso ah, dagaal ayuuna kula jiray in ka badan 17 sano.

Balse waxaa muuqata in mareykanka imika uu isku dayayo in qaab wadaxaajood ah uu u maro xal u helidda dhibaatada afqanistaan.

Dagaalyahanada Taliban ayaa soo ifbaxay horraantii sanaddii 1990,waxa ayna markii hore ka billawdeen waqooyiga Pakistan.

Waxa ay kooxdan soo ifbaxday ka dib markii uu dhamaaday dagaalkii midowga Soofiyeet ee dalka Afqanistan.

inta badan xubnaha ka tirsan Taliban ayaa waxa ay u badan yihiin qowmiyadda Pashtun oo ah qowmiyada ugu tirada badan Afqanistan.

Waxaa la rumaysan yahay in markii ugu horreysay oo ay howshooda bilaabayeen ay qarash ka heli jireen dalka Sacuudi Carabiya.

Markii ay Afqanistaan la wareegeen waxa ay kooxda Taliban dalkaasi ku soo rogeen Shareecada Islamka.

Intii ay xukumayeen dalka Afqanistaan waxay kooxda Taliban ay mamnuuceen dhagaysiga heesaha, shaneemooyinka iyo in gabdhaha ay da’doodu tahay 10 sano iyo ka badan ay iskuulada aadaan.

Dalalkii aqoonsanaa intii ay xukunka hayeen Talibaan waxaa ka mid ahaa Pakistan,Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Tiro ka badan 45,000 oo ciidammada ammaanka ah ayaa lagu dilay Afghanistan shanti sano ee la soo dhaafay.