Maamulka Galmudug oo Amar kusoo rogay Shacabka Magalada Gaalkacyo

0

War kasoo baxay Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa amar la dul-dhigay dadka ku nool Magalada Gaalkacyo, kaas oo la xiriira dhinaca Amniga.

Amarkaan ayaa sigaar ah loo faray dadka ku nool Magalada Gaalkacyo,waxaana lagu amray inay is diiwaangeliyaan dadka hubka ku dhex heysta Magalada, isla markaana an ka tirsaneyn Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug.

Sidoo kale waxaa la sheegay in cid alaala cidii qaadan weysa Amar kasoo baxay Wasaaradda Amniga Maamulka Galmudug laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan