Faah Faahin Kooban :- Qarax ka dhacay magaalada boosaaso

0

Wararka laga helayo laamaha amniga ayaa waxaa ay sheegayaan in halkasi uu ka dhacay qarax khasaaro geystay kaas oo jugtiisa laga maqlay Xaafadaha kala duwan ee Magaaladaas.

Qaraxa oo ahaa miinada noocad hulka lagu aaso ah ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen in lala eegtay Gaari nooca raaxada ah xilli uu marayay wadada hormarta Hoteelka Boosaas.

Ilaa laba askari oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Ciidamada Badda Puntland ayaa qaraxaasi ku dhaawacmay,kuwaas oo dhaawacooda la geeyay Isbitaalka weyn ee Magalada Boosaaso.