DAAWO:-Weerar Dhiig badan ku daatay oo ka dhacay Ceel-Afwayn iyo Wararkii u danbeeyay

0

Deegaanka Ceel-Afwayn ee Gobolka Sanaag waxaa Weerar Hubaysan ka gaystay Dablay Hubaysan, kuwaasi oo dilay 5- Ruux.

Saddex Haween ah iyo Laba Nin ayaa ku dhintay Weerarka, Waxaana sidoo kale ku dhaawacmay dad kale Sida uu xaqiijiyey maayarka degamadaasi Ceel-Afwayn.

Weerarka dadka badan ku dhinteen ayaa la sheegay inay soo Qaaday Mid kamid ah beelihii Mudooyinkan dambe ay Colaadu ku dhexmaraysay Deegaanka Ceel-Afwayn ee gobolka Sanaag.