Akhriso:-Liiska Xubnaha cusub ee Baarlamaanka Jubbaland oo la shaaciyay

0

Guddiga doorashooyinka maamulka axmed madoobe ayaa caawa shaaciyay Liiska xubnaha cusub ee Baarlamaanka labaad ee Jubbaland.

Liiska oo ka kooban 73 Xildhibaan ayaa lagu sheegay in muddo 20 cisho ah ay ku mashquulsanaayeen Odayaasha dhaqanka Jubbaland soo xulista xubnaha Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Jubbaland, iyagoo liiska u soo gudbiyay Guddiga doorashooyinka maamulka hogaamiye axmed madoobe si waafaqsan hannaanka doorashooyinka ay samaysteen maamulka taladu ka dhamaatay

Guddiga ayaa sheegay in shanta beelood ee hab qeybsiga 4.5 lagu sameeyay xubnaha cusub ee Baarlamaanka labaad ee Jubbaland.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA: