AKHRISO:- (13) Saddex iyo toban Sano Ka hor maanta oo kale oo ciid ah (2006) ayaa Dil Daldalaad ah Lagu Fuliyay Madaxwaynihii hore ee Ciraaq

0

dhacdadaas Waxa si toosa looga daawanayey warbaahinta Caalamka gaar ahaan telivishanka Al-Ciraaqiya, subbaxaa marxuum saddaam wuxuu xidhnaa ama gashana, shaadh cad iyo surwaal madow iyo koodh madow, Maalintaa waxaan joogay dalka south africa magaalada Cape Town, Dareenkaygu dhacdadaa darteed siduu isku bedelay waa xusuus i soo hormarta maalinkasta oo ciidul adxa ah, runtii Waxba uma qaban Karayn, waxaanse xasuustaa dhinacyada Waxa Hayay shan nin oo wajiyadoodu daboolan yihiin waxay qoorta u geliyeen xadhigii deldelaada taas oo ka dhacday xaruntii hore ee Sir-doonka milarariga dalka Ciraaq 6:00dii subaxnimo,

Saddam Xuseen wuxu dalka Ciraaq ka talinayay muddo ku dhow rubuc qarni,

Maydka Saddam Xuseen, waxa lagu wareejiyey Badhasaabkii gobolka salaaxu-Diin ee wakhtigaa iyo madaxa qabiilka saddam ka dhashay, kuwaas oo maydkiisa ka qaaday Baqdaad islamarkaana Geeyay Tikret, halkaas oo lagu aasay maalinimo axad ah!
Saddaam Xuseen ayaa la sheegay in kelmadii ugu dambeeyay ee ka soo baxay ahayd Allaahu Akbar .waxa kale oo ay dadkii goob-jooga ka ahaa goobta lagu daldalay ay sheegeen inuu gacanta uu ku sitay kitaabka Quraanka Kariimka ah,, waxaana la sheegay inuu Ashahaado ku dhawaaqay markii xadhigga lagu daldalaayay lagu giijiyay

Rabi Naxariistii Jano Ha ka waraabiyo
Sadaam Xuseen Fadliga Ciida darteed ugu ducee

Su,aasha iswaydiinta lihi waxay tahay saddaam tagye dadma reer ciraaq xaalad caynkee ah ayay ku noolyihiin .

W/Q Xasan Dhuxul Laabsaalax