DAAWO:- Saraakiil ka tirsan Booliska AMISOM oo booqday xarunta doorashada Jubbaland

0

Saraakiill ka tirsan ciidamada Booliiska AMISOM oo ay wehelinayaan Booliska Jubbaland ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta ay ka dhaceyso doorashada madaxtinimo ee Jubbaland.

Ujeedada booqashada xaruntan ayaa lagu sheegay inay ahayd sidii qiimeyn loogu sameyn lahaa ammaanka xarunta la filayo inay ka dhacdo doorashada.

Saraakiisha Booliska AMISOM ayaa kulan la yeeshay Taliska Ciidanka Booliska Jubbaland iyagoo ka wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa sugida nabadgalyada Doorashooyinka Jubbaland.