AKHRISO:- Ahlusunna oo Wariye ku xirtay Dhuusamareeb

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa ay sheegayaan in Ururka Ahlusunna ay ku xireen Magaalada Dhuusamareeb Wariye Maxamed Cabdiweli Tooxow oo ka mid ah Wariyeyaasha ka howlgalla halkaasi.

Sidda ay Allgalgaduud u xaqiijiyeen Qaar ka mid ah Wariyeyaasha Magaalada Ururka Ahlusunna ayaa ku eedeeyay Wariye Tooxow in warar uusan hubsan uu ku baahiyay bartiisa Facebook.

Wariyaha ayaa ku xiran Saldhigga Magaalada waxaana ay sheegeen in ay su’aallo ka weydiin doonaan eedeymaha loo heysto Wariye Tooxow.

Ururka Ahlusunna ayaa siddaan oo kale horay Wariyeyaal badan ugu xiray Magaalada Dhuusamareeb.