Qaxooti Cusub Oo Soomaali Ah Oo Dib-U-Dejin Ka Helay Kanada

0

Ilaa 30 Qaxooti Soomaali ah oo laga qaaday Xerooyin ku yaalla dalalka Ethiopia iyo Uganda ayaa waxay Dib-u-dejin ka heleen dalka Kanada, gaar ahaan magaalladda Brooks ee K/Bari ee Gobalka Alberta ee dalkaasi.

Wargeyska Brooks Bulletin ayaa qoray inay Maamulka magaalladda Brooks albaabadda u fureen Qaxootiga, iyadoo bilihii June iyo July soo dhaweyn u sameeyey ilaa 30 Qaxooti Soomaali dib-u-dejin ka helay Kanada.

Dowladda haatan ka dhisan dalkaasi waxay taageereen inay dalkaasi yimaadaan Qaxootiga, kuwaasi oo badankooda ah Soomaali horey ugu noolaa Xeryaha Qaxootiga ee ku yaalla gudaha dalka Ethiopia iyo Uganda.

La-taliyaha dib-u-dejinta ee magaalladda Brooks, ahna Madaxa Adeega Socdaalka ee Gobalkaasi, Bezaye Beyene waxay sheegtay inay Dowladda Kanada sannadkii ugu horreeyey taageertay Qaxootiga, kuwaasi oo ay Dowladda keentay.

Waxay kaloo sheegtay in Qoysaska Qaxootiga ee la keenay ay muddo 10 ilaa 14 maalmood ku nagaan doonaan Hotel, ka hor inta aan la helin Dhismo la dejiyo.

Inta ay Qaxootigaasi ku jiraan Gotelka waxaa laga taageeri doonaa baahidooda Khaaska, gaar ahaan Cuntada iyo Dharka.

Qysaska Qaxootiga Soomaalida ee dib-u-dejinta ka helay magaalladda Brooks ee dalka Kanada waxaa kaloo la bari doonaa Dhaqanka, Deegaanka iyo iyadoo qoys kasta laga diiwaan gelinayo Dugsiyadda, gaar ahaan Carruurta, iyadoo dadka waa weyn la siinayo Barnaamijyadda Barashadda  Luqadda English si ay u noqoto Luqadooda Labaad.