AKHRISO:- Wasiir Cawad oo sheegay inay kala hadleen dowlada Qadar warka uu qoray New York Times

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in warka uu daabacay wargeyska New York Times ay kala hadleen dowladda Qatar.

Wasiirka ayaa sheegay inuu u yimid safiirka Qatar ee Soomaaliya ayna kulmeen, islamarkaana Soomaaliya ay ku qanacday sharaxaaddii uu arrintan ka bixiyey.

“Dowlada Qadar waa beenisay warka uu qoray wargeysku dowlada Soomaaliyana waa ku qanacday arrinkaas.”ayuu yiri Wasiir Cawad.

Waxaa uu sidoo kale sheegay Wasiir Cawad in dowladda Soomaaliya iyo Qatar ay si wanaagsan arintaasi uga wada hadleen,islamarkaana Qatar ay Caddeysay in aysan ka dambeyn Qaraxa lagu eedeeyay.

Dowladda Qatar waxay sheegtay inaysan faro-gelin arrimaha gudaha dalalka kale, islamarkaana cid kasta oo sidaas sameysa aysan matalin.