AKHRISO:- Dagaalo xalay ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose

0

Wararka laga helayo Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay xalay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamno ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ku leeyihiin deegaanka Ceel-Jaale ee duleedka degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in Saldhiga la weeraray laga tababarayay Ciidamo ka mid noqon doona kuwa Maamulka Koonfur Galbeed,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada ilaalada ka haya Xarunta iyo Xubnaha Ururka Al-Shabaab ee weeraray.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee labada dhinaca kasoo gaaray dagaalkaas,waxaana dadka Tuulada Ceel-Jaale ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta la isku adeegsanayay,hayeeshee aysan cadeyn Karin khasaaraaha ka dhashay maadaama xilli habeen ah ay aheyd.

Dhinaca kale dagaal u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda & Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay Tuulada Ceel Saliini oo u dhow deeganka lambar 50 ee Gobolka Shabeellaha Hoose,kadib markii ay xalay Al-Shabaab weerareen Saldhiga Ciidamada dowladda ee deegaankaas.

Goobjoogayaal ayaa waxaaa aya Allgalgaduud u sheegeen in uu halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda & Al-Shabaab,isla markaana xalay ay dareemeen cabsi badan maadaama dushooda lagu dagaalamay.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa la sheegay in uu xalay ka dhashay dagaalkaas,hayeeshee aan sirasmi ah loo ogeyn,waxana ilaa iyo hadda dagaaladii xalay ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hooso deegaano ka tirsan aan ka hadlin Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo Ururka Al-Shabaab.