Akhriso:-6,935-ardey oo Ku Dhacday Imtixaankii Dowladda Soomaaliya ay Qaaday

0

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa  shaacisay natiijada imtixaanaadkii mideysnaa ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo toos uga hadlayey Telefishinka Qaranka ayaa akhriyey war-saxaafadeed ay ku qoran yihiin tirada gudubtay imtixaanka, tirada dhacday iyo 10-ka qof ee kaalinta koowaad ka gashay sannadkaan.

Mudane Cabdullaahi Googax Barre ayaa sheegay in ardayda 10-ka ah ee kaalinta koowaad u gudubtay ay dowladda Soomaaliya siin doonto deeq waxbarasho oo lacag la’aan ah dalka iyo dibedda meesha ay doonaan.

Sidoo kale wasaaradda Waxbarashada ayaa sameysay Website ay ardaydu si fudu uga heli  karaan imtixaanka gaar ahaan arday walba natiijadiisa, isagoo gelin doona website-ka www.soneb.gov.so.

Halkaan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka wasaaradda.