Waqtiga La Qabanayo Shirka Dib U Heshiisiinta Galmudug Oo La Shaaciyay

0

Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug oo u xilsaaran qaabkii xal waara looga
gaari lahaa khilaafaadka bulsho ee ka dhex jira beelaha Galmudug, wuxuu si weyn ugu faraxsan yahay in
si habsami leh ugu qabsoomay kulamadoodii hordhaca ahaa ee dar-dar gelinta qorshaha geedi-socodka shirweynaha dib-u-heshiisiinta intii u dhaxeysay 20 – 23ka July 2019.

Guddigu wuxuu bogaadinayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib-u-heshiisinta iyo dhammaan bulshada reer Galmudug magacaabista iyo taageerada ay guddiga u muujiyeen si khilaafaadka reer Galmudug xal waara looga gaaro.

Guddiga Wuxuu uga mahad-naqayaa madaxda sare ee dalka gaar ahaan Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya hawshii baaxadda lahayd ee uu ka qabtay Galmudug muddadii
afarta usbuuc ahayd ee uu meelo badan oo ka mida degaannada Galmudug kula kulmay bulshada qaybaheeda kala duwan , taa oo abuurtay jawi sahli kara in reer Galmudug ka heshiin karaan waxyaabihii soo dhex maray iyo dadaalkii mugga lahaa ee Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug ka gaystay
suurtagelinta jawi nabadeed.

Ugu danbayntii guddigu wuxuu bogaadinayaa kulankii shalay (22 July) ay la yeesheen wakiilada caalamka oo si buuxda u taageray geedi-socodka Shirweyanaha D-ib-heshiisiinta Galmudug.

Intaa kadib, guddigu markii uu qiimeeyay xaaladda ka jirta deegaannada Galmudug iyo baahida loo qabo in si deg deg ah loo fidiyo gogol dib-u-heshiisiineed oo lagu lafa guro isla markaana lagu xaliyo khilaafaadka bulsho ee deeagaanada Galmudug wuxuu go’aamiyay:-

1. In ergooyinka ku matalaya beelaha wada dega Galmudug ee tira ahaan loo qoondeeyay beel walba lagu soo xulo, waayo aragnimo la xariirta arrimaha dib-u-heshiisiinta kana kooban
qaybaha kala duwan ee bulshada sida; hoggaamiyaasha dhaqanka, culimaa’u-diinka, dhalinyarada, ganacsatada iyo haweenka.

2. In shirweynaha Dib-u-heshiisiinta uu ka dhaco magaalo madaxdada Dawlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb 5ta bisha Agoosto, 2019.

3. In ergooyinka shirweynaha loo qoondeeyay ay soo gaaran goobta shirka 1da Bisha Agoosto, si ay waqti ugu helaan deegaan iyo kulamo gaar-gaar ah.

4. Guddigu wuxuu qoondeeyay in tirada guud ee ergooyinka kasoo qayb gelaya shirka ay noqdaan (356) seddex boqol konton iyo lix ergo.

5. In Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyadoo tixgelinaysa qorshaha guddiga ay diyaariso dhammaan tas-hiilaadka shirweynaha iyo ergooyinka ay u baahanyihiin.

6. Guddigu waxa uu taageero buuxda waydiisanayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wakiilada Beesha Caalamka u fadhiya Soomaaliya kuna casuumayaa furitaanka shirweynaha.

Guddigu wuxa uu bulshada Galmudug ugu baaqayaa in ay taageeraan kalana shaqeeyaan guddiga sidii uu
Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug u guuleysan lahaa.