SAWIRRO:-Shir looga hadlayo Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Dalka Oo Lagu qabtay Muqdisho

0

Wasiirka Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS Mudane Cabdi Aadan Hoosow ayaa shir gudoomiyey Shirka kaabayaasha dhaqaalaha Dalka oo Saddexdii biloodba mar Lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Waxaa kasooqayb galay Wasaaradaha Kumidaysan Madasha Kaabayaasha dhaqaalaha ee kala ah Wasaaradda Hawlaha Guud, Wasaaradda Tamarta & Khayraadka Biyaha, Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada, Wasaaradda Qorshaynta, Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta, Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda, Wasaaradda Maaliyadda, Xafiiska Ra’isal Wasaaraha, Xubno kasocday Maamul Goboleedyada Dalka, Madaxda Haayadaha Qaramada Midoobay & Wadamada Taageera Soomaaliya Oo ay kamid ahaayeen Italian Coorperation, World Bank, African Development Bank, UNDP, UNOPS, & UN-Habitat.

Shirka ayaa waxaa looga Wada Hadlay Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka, Dhegaysiga Warbixinada Waxaayabahii Qarsoomay, Mashaariicda qabyada ah & Sidii loo dhamaystiri lahaa.

Wasiirka Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS Mudane Cabdi Aadan Hoosow oo shirka daahfuray ayaa yiri “Kaabayaasha dhaqaaluhu waa wadadii horumarka run ahaantii Waxay inaga caawinayaan Nabad galyada oo muhiimada gaar ah inoo leh, waxay inaga caawinayaan shaqaalaysiinta oo iyadana muhiim ah sabatoo ah inkabadan 70% bulshadeena waa dhalinyaro, Waxay inaga caawinayaan Baahinta Adeegga Dowladda, Markaan haysano Waddooyin wanaagsan Adeeggyada Dowladduna waxa ay gaarayaan meelo aysan hadda gaari karin, Waxay inaga cawinayaan Ganacsiga gudaha dalka & Isku xirka kan Gobolka, Marka Kaabayaasha Dhaqaaluhu aad ayey muhiim ugu yihiin horumarka Dalka”

Shirkan ayaa Saddexdii biloodba mar laqabtaa Waxaana looga arinsadaa Mashaariicda Kaabayaasha dhaqaalaha Dalka waxaana kukulma Dowladda Soomaaliya, Haayadaha Caalamiga ah, & Deeq bixiyeyaasha.