SAWIRRO:-Aqoon iswaydaarsi u socday Xafiisyada Amniga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed oo lasoo gababeeyay

0

Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Dr.Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa qado sharaf u sameeyey saraakiisha iyo hawlwadeennada ka socday Wasaaradaha iyo Xafiisyada amniga Qaranka ee Dowladda Dhexe iyo heer Dowlad Goboleed.

Agaasimaha ayaa kula dardaarmay hawlwadeennada Wasaaradaha iyo Xafiisyada Amniga Qaranka in ay xoojiyaan wada shaqeyntooda, maadama sugidda amniga ay aasaas u tahay isku xirnaanta iyo wado shaqeynta dhammaan laamaha ammaanka ee dalka, ayna dardar gelinayso dagaalka ka dhanka argagixisada Alshabaab.

Lataliyaha Amniga Qaranka Mudane Cabdisaciid Muuse Cali Ayaa ka warbixiyey xog-isweydaarsigii ugu socday Muqdisho labadii maalmood ee la soo dhaafay, kuwaas oo ay yeesheen xubnaha amniga Qaranka.

Lataliye Cabdisiciid ayaa sheegay in ay isla qaateen dhammaan saraakiisha iyo hawlwadeennadan Amniga Qaranka muhiimadda qorshaha mideysan ee amniga, isdhaafsiga xogta iyo khibradaha dhanka shaqada.

Dhankooda, Masuuliyiinta Xafiisyada Amniga Qaranka ee heer Dowlad Goboleed ayaa uga mahad celiyey Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada marti qaadka uu u sameeyey iyo sida uu ugu soo dhaweeyey Caasimadda, iyagoona tilmaamay in ay kago’an tahay in dadkeennu ay helaan xasillooni iyo amni dhammeystiran.