SAWIRO:- Mudanayaasha labada Aqal ee Barlamaanka Somaaliya oo Muqdisho kulan ku yeeshay

0

Kulan wadajir ah ayaa xalay waxaa ay Magaaladda Muqdisho ku yeesheen Gudiyadda joogtadda ah ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaana kulankaasi si wada jir ah u shir Gudoomiyay Guddoomiyaasha Golaha Shacabka iyo kan Aqalka Sare.

Sidoo kale madasha waxaa goob joog ka ahaa ku-xigeenada labada Guddoomiye Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey iyo Abshir Bukhaari,waxaana kulanka uu ku saabsanaa xoojinta iyo wada Shaqeynta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed oo ka kooban Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo bilihii la soo dhafay uu khilaf ka dhaxeeyay wallow maala ka hor xal laga gaaray khilaafkaas.