Dowladda Qatar oo ka jawaabtay warbiixn lagu qoray wargeyska The New York Times

0

Dowladda Qatar waxay gaashaanka ku dhufatay Warbixintii shalay lagu soo daabacay Wargeyska The New York Times ee lagu muujiyey inay ku lug leedahay Qaraxyadda ka dhaca Somalia, isla markaana ay taageero siiyaan Kooxaha Islaamiyiinta.

Warbixinta wargeyska waxaa lagu soo bandhigay Cod laga duubay Danjiraha Qatar u jooga Somalia iyo Ganacsade, iyagoo ka wada hadlaya Qarax Bosaaso ka dhacay bishii May ee sannadkan, oo ay Kooxda Daacish sheegatay mas’uuliyadiisa.

Hadal ka soo baxay Xafiiska Isgaarsiinta ee Dowladda Qatar ayaa lagu sheegay in Siyaasadda Dibedda ee Qatar had iyo jeer ku dhisan tahay in la abuuro Deganaansho iyo Barwaaqo, isla markaana aysan marnaba faragelinin Arrimaha Daakhiliga ee dalalka madaxa bannaan.

Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay in qof kasta oo arrimahaasi ku kaca uusan matalin Karin Dowladda Qatar.

“Somali gudaheeda, Imaaraadka inay leedahay Siyaasad Dibedeed oo ay ku doonayaan inay ku maamulaan Somalia, iyagoo ku bedelanaya Taageero Maaliyadeed” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Dowladda Qataar.

Dhinaca kale, Dowladda Qatar waxay beenisay xiriirka ay la leedahay Ganacsadaha lagu magacaabo Khaliifa Kayad Al-muhindi oo horey loo sheegay inuu aad ugu dhow yahay Amiirka dalkaasi, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-thaani.

“Khaliifa Kayad Al-muhindi uma aha La-taliye nooc kasta Dowladda Qatar, mana matalo Dowladda Qatar, xaqna uma laha inuu hadal-celin ku bixiyo, isagoo matalaya magaca Dowladda Qatar” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Isgaarsiinta ee Dowladda Qatar.

Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay inay baari doonaan qofkaasi, isla markaana uu qaadi doono mas’uuliyadda hadalkii uu bixiyey.

Dowladda Qatar waxay mar kale ku celisay inay Somalia saaxiib muhiim u tahay Qatar, isla markaana aysan faragelinn Arrimahooda Daakhiliga.

“Xiriirkeenna aan la leenahay Somalia waxaa asaas u ah Is-xushmayn wadajir ah iyo danno guud, waxaana rajeynaynaaa wanaag DFS iyo dadka, waana sii wadi doonaa Taageeradooda ilaa Deganaanshaha laga dhowrayo” ayey Dowladda Qatar ku tiri qoraalka ay soo saartay.

Ugu dambeyntii, Dowladda Qatar waxay sheegtay inay ka codsadeen  Wargeyska The News York inay ka taageeraan Baaritaanka Eedeymaha ay qoreen, balse, Maamulka wargeyska wey ku gacan sayreen arrintaasi.