DHAGEYSO:-Guddigii Waddada Dhismaha Boosaaso Oo Xabsiga Laga Sii Daayay

0

Maamulka Puntland ayaa xabsiga ka sii daayay xubnaha ka tirsan Guddiga Wadada dhismaha Magaalada Boosaaso,kadib markii la soo taagay Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Bari.

Xubnaha la xiray ayaa waxaa ku jiray Guddoomiyaha Guddiga Wadada dhismaha Boosaaso,kaasi oo habeeno ka hor lagu xiray Boosaaso,waxaana kasii horeeyay saddex xubnood oo ka tirsan Guddigaas oo Khamiistii la soo dhaafay xabsiga la dhigay.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xildhibaano ka tirsan maamulka Puntland ayaa dalbaday in si deg deg ah lagu sii daayo xubnaha xiran,kuwaasi oo lagu eedeeyay inay qaateen lacag ay usoo dirtay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hayeeshee maanta ayaa waxaa la soo taagay Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Bari,iyadoona Maxkamadda Sheegtay in dadkaas lagu soo xiray sifo sharci darro ah,waxaana xubnaha ka tirsan Guddiga Wadada dhismaha Magaalada Boosaaso ee la xiray kamid ahaa.