AKHRISO:- Haweeney Xukun Ku Muteysatay Mobaylka Saygeeda Oo Ay Fasax La’aan U Baartay

0

Haweeney u dhalatay dalka Imaaaradka ayaa lagu xukumay inay bixiso ganaax dhan 3,000 oo Dirhamka dalkaasi, kadib, markii lagu helay inay ku xad-gudubtay Mobaylka Saygeeda.

Haweeneydaasi oo la soo taagay Maxkamadda magaalladda Raas Al-khaymah ayaa lagu soo oogay inay fasax la’aan farriimo qoraalka SMS-ka ee ku jiray Mobaylka Saygeeda u xawishay Mobaylo kale, iyadoo shaki ka qabtay inuu Saygeeda arrimo jacayl oo aan sharci ahayn la lahaa haweeney kale.

Qareenkeeda ayaa sheegay inuu Saygeeda bilaabay inuu Wicitaano Telefoon iyo Farrimaha SMS-ka si caadi ah uga helo Haween kale, taasi oo Xaaskiisa ku beertay Hinaaso iyo inay dabagal ku sameeyo haweeneyda soo wacay.

Waxa uu intaasi ku daray inay Xaaska walbahaar iyo xanaaq daran ka qaaday markii ay aragtay Fariimaha ay saygeeda u soo dirto Haweeneyda aysan aqoonin.

Dhinaca kale, Dacwad-oogaha waxa uu Xeer-beegtida Maxkamadda ka codsaday in la ciqaabo Haweeneyda ku xad-gudubtay Xuquuqda Gaarka ee Saygeeda, sida ku cad Qoddobka 378-aad ee Sharciga Ciqaabta Federalka ee Imaaraadka.

Haweeneyda waxaa lagu xukumay inay bixiso lacag ganaax ah oo dhan 3,000 oo Dirham iyo kharaj kale oo dhan 100 Dirham oo ah Kharajka Maxkamadda iyo eedeymo kale.