Xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo agab ay wateen oo gacanta lagu dhigay

0

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan Jubbooyinka waxey gacanta ku soo dhigeen seddex qof oo lala xiriirinayo in ay ka tirsan yihiin Alshabaab.

Maxamed Xasan Badal Taliyaha Guutada 11-aad qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga ayaa u sheegay warbaahinta Dowladda in Saddexdaan qof ay saarnaayeen gaari shacab oo ku sii jeeday Kismaayo.

Wuxuu intaasi ku daray Taliyaha in ay heleen xog ah in ay ka mid ahaayeen ragaasi Al-shabaab  ka dibna ay gaariga kala degeen iyaga iyo agabkii ay wateen oo baaris ay ku socoto haatan.

Lama shaacin magacyadooda iyo nooca uu ahaa agabka ay wateen seddexda qof ee la qabtay.