Akhriso:-Xaliimo Yarey oo ka hadashay Guddiga uu magacaabay Guddoomiye Mursal

0

Gudoomiyaha Gudiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka ee Soomaaliya Xaliimo Ismaciil Ibraahim oo loo yaqaano Xaliimo Yareey ayaa waxaa ay ka hadashay Guddi uu magacaabay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdi Raxaman, kaasi oo ahaa Guddi ka shaqeeya Dhaqdhaqaaqyada Doorashada Qaranka ee Soomaaliya.

Waxaa ay sheegteen in ay soo dhaweynayso, islamarkaana ay taageersan tahay guddiga uu magacaabay R/wasaare Xasan Cali Kheyre.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa waxaa ay Shaaca ka qaaday in sharcigan uu u fududeynayo in doorasho xalaal ah la qabto sanadka 2021-ka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheeekh Cabdiraxmaan ayaa shalay magacaabay Guddi ka kooban 15 xubnood oo ku meelgaar ah oo soo diyaariya sharciga doorashada.

Muran badan ayaa ka dhashay sharcigii Doorashooyinka ee ay ansixiyeen Golaha Wasiirada bishii May, kaasoo dhaliyay dood kala duwan, loona arkayay in sharciga awood badan siinayo Madaxtooyada iyo Xukuumadda.

Hase ahaatee tallaabada Guddoomiye Mursal ku magacaabay Guddigan ayaa ah mid awooddiisa ku muujinayo, ugana hortagayo in sharciga si dhaqse looga meel mariyo Baarlamaanka.