AKHRISO:- Nabadoon lagu dilay Koonfurta Gaalkacyo

0

Waxaa Caawa fiidkii lagu dilay koonfurta Magaaladda Gaalkacyo ee maamulka Galmudug Allaha u naxariiste Suldaan Cabdulaahi Suldaan Cabdiraxmaan.

Dilka Suldaanka ayaa la sheegay inay geysteen labo dhalinyaro ah oo ku hubeysnayd bastoolado kadibna baxsaday.

Ciidamada ammaanka ayaa gaarey goobta uu dilka ka dhacay, iyagoo halkaa baaritaano ka sameeyay. Hase yeeshee lama sheegin dad loo qabtay dilka Suldaanka.