AKHRISO:- Golaha Amaanka QM oo amaanay Wanaaga Dowladda Somaaliya

0

Golaha amaanka ayaa shir dagdag ah oo ay galeen kasoo saaray go aano iyo fulin awaamiir ku qotanta shuruucda u dagsan jamciyada quruumaha ka dhaxaysa.Kulankan oo ahaa mid ku khaas ahaa dalka soomaaliyeed ayaa diirada lagu saaray xaalada nabad galyo iyo dhaqaale halka uu maraayo maanta. Nasiib wanaag waa markii koobaad tan iyo intii aynu burburay 1991dii in golaha amaanku gaaro go aan cad oo u hiilinaaya dawlad nimada iyo danta dalka soomaaliya.

Waxay soo saareen 15 xubnood ee golaha amaanka qaramada midoobay in lafuliyo shuruucda iyo go aanada udagsan qaramada midoobay. waxaa intaa dheer oo ay go aamiyeen in dalwalbaa lashaqeeyo oo la taageero dawlada iyo xukuumada soomaaliya.

Tanimaha mid tilmaamaysa dalal gaara ee waa fariin dalwalba la dul dhigay oo culus. waxaa barbar socota dhacdadii uugu danbaysay ee KISMANYO lagu gumaaday dad shacab iyo siyaasiyiin ah oo qiimo weyn uugu fadhiyay dadka iyo dalka soomaaliya. waxaana toos loo amray in la soo qabto cidii lahayd maskaxda iyo cidii fulisay bilaw ilaa dhamaad,waxaana hawshaa la go aamiyay in lasoo afjaro waxaana shaqo galay ciidamo sirdoon ah oo raad raacaya falkaas.

Dalka soomaaliya waxaa aduunyadu isku raacday dalwalbana fariin qoraala lagu gaarsiiyay in ay lama taabtaan tahay qaranimada iyo wada jirka dalka soomaaliyeed sidaa daraadeed looga digay in laga fogaado fara galin lagu wax yeelaynaayo geedi socodka dawladnimo ee soomaaliyeed oo hada maraaya meel aad u wanaagsan helayna tubtii dawladnimo.

Soomaaliya maha sidii hore ee dawlad walbaa ka dhex adeeganaysay,sidii xiligii uu talada hayay xunkii xumaa xasan sheekh oo rabbi soomaali ka hor dhaqaajiyay kaaso baday soomaaliya in caalamku aamini waayo kadib markuu musuqmaasuqay hadaan soo qaadano hal dhacdo 90 000 000 saqaashan malyuun oo dollar bal wax kalaba ha joogtee oo khaas u ahayd macaluushii ka dhacday soomaaliya iyo hanankii dawladnimo oo uu ka dhigay lacag uruursi oo kaliya taasoo dhaxal siisay soomaaliya dhabarjab ay ilaa maanta la tacaalayso oo dadkii soomaaliyeed ka bixi wayday quluubtooda. hada waxaa jira madax soomaaliyeed oo dhisaaya dalkooda difaacayana sharafkooda iyo dawladnimadooda iyo shacabkooda.waxaana aduunka u muuqday in dawlad iyo shacab isku duuban maanta ka jiraan dalka soomaaliya sidaa daraadeed ay waajib tahay in la garab istaagaa.

Waxaa sare u kacay amaankii MOGDISHO iyo dadka noloshoodii iyo sharafkoodii mudo dheer la bahdilay. shacabka soomaaliyeed waxaa u muuqda nabad iyo nolol waxayna jecel yihiin sugida amaanka iyo dawladnimada. shacabka soomaaliyeed ma doonayaan kala qaybin iyo qabiilooyin dawlado sheeganaaya oo midiba meel taagan yahay oo iskala weyn dawlada dhexe ee soomaaliyeed.

Qabiil manoqdo qaran iyo dawlad. dalka soomaaliya waxa uu leeyahay hal madaxweyne iyo hal calan iyo hal caasimad oo ah MOGDISHO, wixii intaa kabaxsan waxa wada isticmaar adeegsanaaya dagaal ooge soomaaliyeed oo ay daba socdaan jifadiisa sidaa Muusebiixi. Adeer hade jifo dawlad ma noqoto dadka waqooyi dagana maha jifadaada mana arkaan sabab ay kuu hoos fadhiyaan adiga iyagoo heli kara qaranimo soomaaliyeed iyo dawladooda MOGDISHO fadhida.

Dawlad soomaaliyeed iska diid laakiin jifadaydu hakuu dawladeeyso adeer dan maha caqlina maha dadku dawladnimay doonayaan. markabkii xoolaha dadka soomaaliyeed u iibgaysteen sucuudiga waa digii ku ceeboobay ee dawlada sucuudigu kugu tiri jifo dawlad maha ee kasoo qaado dawlada soomaaliyeed cadayn ah in xoolahan yihiin xalaal ka timid dawlada iyo dalka soomaaliya.

Kuukuya haday markab xoolo ah u dirto sucuudiga wuu soo celin ilaa ay ogolaasho ka helaan dawlada KENYA. Sidaa unbaad tahay muusoow,mana aha in dadka soomaaliyeed kuu qafaalaadan adiga oo aad adoonsato adoo hoos gala diricyada biri magaydada haweenka iyo waliba caruurta oo ku beera cadaawad aan loo baahnayn oo duminaysa aayahooda adigoo ilaashanaaya dantaada oo kaliya.shacabkaasuna waa dad sharaf leh oo aad dulmiday meela aad uuga dhacday dadnimadooda iyo gobonimadooda waana dadkayagii soomaaliyeed.

Muusebiixi tusaale ayaan u soo qaatay ee waxaa lamid ah Ahmed madoobe ka doortay qaranimo kursiga kismanyo iyo jifadiisa, waxaa lamid ah Dani oo puntland noo ga dhigaya in ay dawlada dhexe ka macno wayntahay waloow Dani uusan wali ku talaxtagin sida muusebiixi iyo ahmed madoobe in la diido dawlad dhexe oo xoogleh oo soomaaliyeed oo dalkoo dhan maamusha.Puntland looma baahna waxaa loobaahan yahay dawlad buuxda oo soomaaliyeed oo ay Puntland kamid tahay waayo Puntland waa kumeel gaar ah in lahelo dawlad soomaaliyeed oo dalka hanata taasoo hada dhalatay oo jirta.

reer calan bilig bilig meel cidla ah kasiiyay maha dawladnimo loomana baahna.dadka soomaaliyeed yaan la kala fogayn yaan la kala qoqobin,waxaa deeqa dawladnimadaa dhexe ee fadaraalka ah ee MOGDISHO fadhida wixii kale waa is wareerin iyo is madaxdaalis.

shacabka soomaaliyeed ee dagan gobolada waqooyi ma hoos joogi karaan jifo lacag aruursanaysa oo leh dawlad baan ahayn heer danbi laga gaaray,dadka soomaaliyeed ee dagan jubooyinka ama jubaland waxay rabaan dawlad soomaaliyeed jubaland dawlad maha,puntland dawlad maha dadku dawlad nimay rabaan, koonfurgalbeed dawlad maha dadku dawladnimay rabaan. intaynaan helin dawlad nimadan rasmiga ah ee hada jirta in maamuladaas lagu meel gaaro oo intii meel wada dagtaaba is maamusho saxbay hayd ileen dawladnimaan jirin ee dantaa keentay,laakiin maha in lagu sii dhaganaado marka dawlad aynu helay kadib. wax laga xishoodo weeye iyo bahdil heerkii u danbeeyay nin jifo hoos fariistay aan dawlad ahayn isagoo arkaaya dawladiisa soomaaliya oo uu san cidna u hoos u fadhiyin balse isagu leeyahay.

shacabka gobolada waqooyi oo is waydiiyay kuna faraxsan talaabada geesinimada leh ee dawlada soomaaliland cilaaqaadkii ugu jartay dalka sucuudiga,kadib markuu diiday xoolihii uga yimid dalka somaaliland.Madaxweynaha oo u yeertay safiirka dawlada soomaaliland ee fadhigiisu yahay magalada Jida halka uu ka cayriyay safiirkii sucudiga ee fadhigiisu ahaa caasimada somaliland Hargaysa!!! qarnigan 21 aad bal ka fakir hadii dad sidan lagu haysto! Dawladnimo iyo madax weynoow xaal qaata.

Dadkii beenta lagu haystay waxay in yaroo kamid ah mooyee intii badnayd ogaadeen xaqiiqda oo ah in Raysalwasaare ku xigeenka soomaaliya Mahdi uu dawlada sucuudiga u qoray warqad ah in xolahaas la fasaxo dawlada sucuudigu markiiba waa tix galiyeen qoraalka Mahdi maxaayeelay waa war dawladeed maha jifo jifooyin u dawladaynaysa warkeed.

Shacabka soomaaliyeed haka xoroobo maskaxda hana raacdo dantiisa iyo sharafkiisa oo ah mid kaliya taasoo ah in uu kunoolaado dawladnimo soomaaliyeed qaranimo soomaaliyeed dalnimo soomaaliyeed hadii kale qiimo maleh muusaa geed kuxiran oo isaga dhigi dawlad dhab ah oo jirta.

Fiiro gaara u jeedadaydu maha in aan jifo iyo beel gaara duraayo,waayo wax aan ka helaayo majirto wax macno ahna malaha balse waxaan diiday jifo ayaa dawlad ah waxaan diiday wax kayar dawlad nimo soomaaliyeed,waxaan rabaa dawlad iyo dal soomaaliyeed iyo dad soomaaliyeed oo jira leh qab iyo sharaf.

W/Q yuusuf Cumar