AKHRISO:- Diplomaasiyiin Turkish Ah Oo Lagu Dilay Waqooyiga Dalka Ciraaq

0

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkish-ka waxay galabta xaqiijisay in 3 Muwaadin oo Turkish lagu dilay Baar ay ka cunteynayeen oo ku yaalla magaalladda Irbil ee Maamul-gobaleedka Kurdistaan ee Waqooyiga dalka Iraq.

Wasaaraddu waxay sheegtay in Ku-xigeenkii Qunuslka Guud ee Turkiga u joogay magaalladda Irbil ka mid ahaa dadkii lagu dilay Toogashadda ka dhacday Baarka lagu weeraray.

Wargeyska Daily Sabah ee ka soo baxa Turkiga ayaa qoray inay Dabley aan la aqoonin tacshiirad ku fureen halka ay Diplomaasiyiinta Turkish-ka ku qadeynayeen.

Ilo-wareed ayaa sheegayo in mid ka mid ah Dableydii weerarka geysatay la dilay, halka ay Ciiddanka Maamul-gobaleedka Kurdistaanka ku raad-joogaan 2 kale oo ka mid ahaa Maleeshiyadda geysatay weerarka, kuwaasi oo baxsaday.