SAWIRRO:-Wakiilka QM ee Soomaaliya oo gaaray magaalada Jowhar

0

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mr. James swan iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Dowladd Goboleedka Hirshabeelle.

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Hirshabelle ,madaxweyne ku-xigeenka iyo Mas’uuliyiin kale ayaa Garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar si weyn ugu soo dhoweeyay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaalia oo booqasho ku tagay caasimadda Hirshabeelle.

Wakiilka ayaa kulan kula qaatay magaalada Jowhar Madaxda Hirshabelle iyada oo laga wada hadlay Xoojinta iyo wada shaqeynta Howlgalka Qaramada Midoobay iyo Maamulka Hirshabelle, waxaana sido kale kulanka goob joog ka ahaa Wakiilka Howlgalka Qaramada Midoobay ee Hirshabelle Mr. Benjiamin.

Booqashada James swan ee Hirshabelle ayaa noqoneyso safarkiisa 2-aad ee uu ku tago Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka kadib marki uu booqasho ku tagay Todobaadkani magaalada Kismaayo ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.