Qarax ka dhacay Degmada Waabari

0

Qaraxa lagu xiray Gaari kuwa raaxada ah ayaa ka dhacay Degmada Waabari ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ka dhacay agagaarka saldhigga cusub ee Degmada Waabari ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacmay qof ka agdhawaa.

Qofka dhaawacmay ayaa la sheegay in uu ahaa qof Dukaan ku iibinayay goobta uu qaraxa ka dhacay,waxaana hortiisa ku qarxay Gaariga.

Ilaa hadda lama shaacin qofka lahaa Gaariga lagu dhejiyay qaraxa ee ku qarxay Degmada Waabari ee Muqdisho.

Saldhigga cusub ee Degmada Waabari ayaa u dhow Isgoyska Shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho.

Shalay ayaa sidoo kale qarax ka dhacay isgoyska Blacksea ee Muqdisho waxaa ku dhintay labo qof waxaana ku dhaawacmay saddex kale.