DHAGEYSO:-Maamulka Hir-Shabeelle oo beeniyay Warar laga faafiyay

0

Maalmihii la soo dhaafay waxaa Warbaahinta qaar ee dalka ay baahisay in khilaaf uu soo kala dhexgalay Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle,sidoo kalena uu jiro mooshin laga diyaarinayo guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas.

Hayeeshee waxaa warkaasi beeniyay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka hir-Shabeelle Cabdi Xuseen Geedi,waxana uu sheegay in uusan jirin xilligaan wax khilaaf ah oo u dhaxeeya Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle.

Waxaa uu sheegay in wax aan jirin laga abuuray MaamulkaHhir-Shabeelle,isla markaana ay diyaar u yihiin wadajirka iyo horumarka Maamulka Hir-Shabeelle,sidoo kalena ay socdaan Shaqooyinka Baarlamaanka iyo tan Madaxda Sare.