AKHRISO:- Haweeney markii ugu horreysay loo dhiibay hoggaanka Midowga Yurub

0

Codeyn qarsoodi ah oo ay sameeyeen guddiga Midowga Yurub ayaa madaxweynaha gudigaasi ugu doortay haweeneydii ugu horeysay ee xilkaasi qabata,taasi oo ah Ursula von der Leyen oo u dhalatay dalka Jarmalka.

Madaxweynaah cusub ee Guddiga Midowga Yurub Ursula von der Leyen ayaa Waxaa ay heshay 383 cod waxayana ubaahneed codad gaaraya 374 ka mid ah 747 xubnood ee codadka dhiibanayay ee xubnaha Baarlamaanka ee Midowaga Yurub oo doorashadaasi sameeyey,waxaana guddigu uu dejiyay Sharciyada,taasi oo horseedaysa in talaabo laga qaado wadamada xubnaah ka ah hadii ay qaladaad galaan.

Ursula von der Leyen ayaa u mahadcelisay baarlamankii doortayiyadoo ku tilmaantay kalsoonida ay xubnahaasi siiyeen ay ka tarjumayso midnimada Midowga Yurub qeybaha Bariga Koonfurta Galbeedka iyo Waqooyiga Yurub.

Sidoo kale waxaa la filaya in bisha soo socota ee November la bedelo guddoomiyaha guddigaasi ee haatan talada haya Jean-Claude Juncker ,kaasi oo la hadal hayo in uu dbedelo Wasiirka Gaashaandhiga Dalka Jarmalka.

Madaxweynaah cusub ee Midowga Yurub ee la doortay Mrs von der Leyen waxay ku dhalatay magaalada Brussels ee caasimadda Dalka Belgium, waxayna leedahay 7 caruur a,waxay ahayd haweeney dhaqtarad ah ka hor inta aysan ku soo biirin siyaasaddda, waxay balanqaaday in ay xooga saari doonto sidii loo heli lahaa daryeel bulsho guud.