SAWIRRO:-Maamulka Gobolka Karkaar oo kormeeray Shil-gaari oo ka dhacay Deegaanka Alxamdulilaah

0

Wafti uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Saciid Maxamed Faahiye ayna weheliyaan Taliyaha Qaybta Gobolka Karkaar Cabdiqaadir Jaamac Dirir, Gudoomiyaha Degmada Waaciye Isxaaq Axmed Xasan iyo sii hayaha Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Karkaar Axmed Muuse Cali ayaa kormeer ku tagay shil-gaadhi oo ka dhacay deegaanka Alxamdulilaah ee Degmada Waaciye.

Shil-kaan gaadhi oo ahaa kuwa xamuulka qaada ayaysan cid wax ku noqon, balse waxaa ku bakhtiyay qaar ka mid ah xoolihii uu siday. Sidoo kalena gaadhiga shilkaan galay ayaa xidhay wadada hal-bawlaha ah ee isku xidha Magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho taas oo hakad uu ku yimi waqti kooban.

Maamulka iyo Taliska qaybta oo kaashanaya Maamulka Degmada Waaciye ayaa ka hawl-galay dhacdadaas iyagoo dalbay gaadhi wiish ah oo laamiga ka qaadi doona gaadhiga shilka galay.

Sidoo kale masuuliyiinta ayaa dareewalada ka codsaday in meelaha khatara leh ee wadooyinka si taxadar leh loogu dhug-yeesho marka Gaadiidku ku Safrayo.