SAWIRRO:-Guddiga qorsheynta iyo maaliyadda Golaha Shacabka oo Dalka Ruwaanda u jooga turxaan-bixiya xeerka Tiro-koobka

0

Guddiga qorsheynta iyo maaliyadda ee golaha Shacabka BJFS ayaa Maalintii Labaad Dalka Rwanda ku  turxaan-bixiya xeerka Tiro-koobka Soomaaliya ee hor yaal Golasha Shacabka, kaas oo muhiim u ah aruurinta, kaydinta iyo shaacinta xogta Jamhuuriyadda.

Kulanka shaqada ah waxaa goobjoog  ka ah Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Marwo; Fahma Axmed Nur, Xoghayaha joogtada Mudane ; Cabdulqaadir Maxamed Aadan iyo Agaasimaha Guud ee tiro-koobka, Cabdulraxmaan Cumar Daahir.

Dhinaca kale Guddiga ayaa aragtiyo  la xariirta xogaha dhinaca dhaqaalaha, tiro-koobka, amniga iyo heerarka uu soo maray Xeerka tiro-koobka Dalka  Rwanda  oo Dalkaasi ku najaxay u soo bandhigay hay’adda tiro-koobka Rwanda.