DAAWO:-Puntland oo ka warbixisay dhul-gariir la sheegay in uu ka dhacay Badda gacanka Cadmeed ee gobolka Garda-fuul ee bariga Puntland

0

Puntland ayaa ka warbixisay dhul-gariir la sheegay in uu ka dhacay badda gacanka Cadmeed ee Gobolka Garda-fuu ee bariga Puntland. Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Faarax Maxamuud Cawaash ayaa sheegay in dhul-gariirka ka dhacay badda gacanka Cadmeed meel Magaalada Bareeda woqooyi-galbeed uga beegan oo gudaha badda ah una jirta 171km. Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda ee Puntland, ayaa xusay in aysan jirin khasaare ka dhashay Dhul-gariirka,isla markaana ay u direen koox xaqiiqo raadin ah. Dhul-gariirka oo dhacay bilowgii todobaadkan ayaa laga maqlay magaalada Geesaley, ee isla gobolka Garda-fuu iyo deegaanno kale oo badda ku teedsan.