Akhriso:-Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax daqiiqador kahor ka dhacay Nawaaxiga Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ee ku taalla Isgoyska Black Sea ee Magaalada Muqdisho.

Jugta qaraxa ayaa waxaa laga maqlay Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir,isla markaana waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah.

Ugu yaraan laba ruux shacab ahaa ayaa ku geeriyootay qaraxaas,waxaana ku dhaawacmay dhowr qof oo kale,kuwaasi oo ku sugnaa goobta xiliga uu qaraxu dhacayay.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa looga qaaday Xarumaha Caafimaad ee ku yaalla Magaalada Muqdisho si xaaladooda Caafimaad loogu dabiibo.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray halkaas,isla markaana waxaa ay wadaan baaritaano ku aadan qaraxa,iyadoona uu hakad ku jiro isku socodka gaadiidka iyo ganacsigii ka jiray Isgoyska Black Sea ee Magaalada Muqdisho.