DHAGEYSO:- Guddoomiyaha Isbadaldoonka Jubbaland Suldaan Gurey Xaaji Faarax: ” Weraarkii kismaayo Axmed Madoobe kama Marna “

1

Suldaan Gurey Xaaji Faarax Guddoomiyaha isbadaldoonka jubbaland oo Waraysi gaar ah sinayeey Caawa Warbaahinta Allgalgaduud ayaa kaga hadlay Waraysiga Arrimo ay kamid yihin Weraarkii dhawaan ka dhacay Kismaayo ee lagu layeey dadki isugu jiray wariyaal,Aqoonyahano iyo xildhibaano iyo sido kale Doorashadda Jubbaland.

Guddoomiyaha ayaa marka hore Tacsi u diray dhamaan dadku ku dhintay werarakas,isago shegay inay ka xunyihin werarkaas.

Wuxuu sheegay Suldaan Gurey in Weraarkaas ay ku tuhmayaan Hogaamiye Axmed Madoobe maadama uu Gacan saar la leeyahay Kooxda alshabaab isla markaana uu ka dhexeyo heshiis uu kamid yahay Canshuuro ay ka qaadan Shabaab oo ay kamid tahay dhoofinta dhuxusha.

Guddoomiyaha Isbadaldoonka Jubbaland ayaa sheegay in Axmed madoobe uu lug ku leeyahay werarkas,isla markaana alshabaab ay donayaan in Axmed madoobe uusan ka dagin kursiga,ayna baaritaan dheraad ah ku samayn donaan.

Doorashadda Jubbaland ayuu ka digay in uu Hogaamiye Axmed Fara maroorsado,wuxuna DFS iyo Beesha Caalamka ugu baaqay inay soo faragaliso doorashadda Jubbaland.

Hoos ka dhegayso Waraysi dheer oo dhinacyo Baddan Taabanaya oo uu Allgalgaduud Siyeey Suldaan Gurey Xaaji Faarax.

Comments are closed.