SAWIRRO:-Wasiirka Haweenka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan QM oo gaaray Baydhabo

0

Wasiirka Haaweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Marwo; Deeqa Yaasiin iyo Pramila Patten oo ah ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan tacaddiyada Haweenka goobaha dagaallada ayaa booqasho ku tagay Magaalada Baydhabo.

Wafdigan ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wasiirro ay ka mid yihiin Qorsheenta ,  gar-gaarka , Caddaaladda , Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka iyo Mas’uuliyiin kale.

Kulanka ayaa intiisa badan looga hadlay arrimaha Haweenka iyo sidii uu door buuxa uga qaadan lahaa Dowlad Goboleedyada Dalka ka jira.

kulanka Ka dib ayaa waxaa warbaahinta si wada jir ah ula hadlay,Wasiirka Haweenka Soomaliya, Deeqa Yaasiin iyo wakiilka Qaramada Modoobey u qaaabbilsan tacaddiyadaha Haweenka goobaha ay dagalladu ka socodaan,  pramilla patten.

Waxanay Labada mas’uul ka war bixiyeen ujeedka ay  usoo gaareen Magaalada Baydhabo iyo sidii ay Dowlad Goboledka Koofur Galbeed ugala shaqeyn lahaayeen  horumarminta arrimaha Haweenka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane; C/Casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), ayaa sheegey in Kulanka ay la qaateen wafdiga Ka socoda Qaramada Madoobey iyo Wasiirka Haeenka Soomaaliya ay kaga wada hadleen sidii udub dhexaad ay ugu noqon lahayeen Haweenka Maamullada Dalka ka jira.