QORMO:- Hodon Naalaye : Nalkii La damiyey

0

Alla Ha’unaxariistee Hodon Naalaye intaan ka bartay, waxay marwalbo ka sheekeyn jirtay sida ay u jeceshahay inay dalkeeda wax uga bedesho, waxayna aad ugu dadaali jirtay hirgelinta fekradaha ay u aragto in ay waxbedeli karaan.

Maalmihii ay bilowday Barnaamijkeedii caanbaxay ee IntegrationTv ayaan anigoo ka shaqeynayey SomaliChannelTV Xafiiska Nairobi, waxaan ka mid ahaa dadkii ka felceliyey hab-tebinta kowaad iyo sida ku wanaagsan, Waxaan Xasuustaa xiliyadaasi in ay wareysatay Weriye Maxamed Ilkacase oo Muddo dheer Aqoon iyo Shaqo naga dhexeysay.

Waxaan u sheegay in Barnaamijyada noocaasi oo kale ah ay tahay door banaan oo loo baahnaa in la buuxiyo si looga shaqeeyo ishdexgalka Bulshada, isku xirka Qurbojoogta iyo Daljoogta iyo in dadka qurbaha jooga ay maqlaan waxyaabaha wanaagsan ee dalka kasocda.

Hodon waxay safaro ku martay Gobollada kala duwan ee dalka, waxayna Yool ka dhigatay in ay soo gudbiso barnaamijyo xambaarsan bilicda, horumarka iyo dhaqanka oo inta badan ay saldhig uga dhigeysay Hal-ku dhigyo cusub , mar ay dhiirigelinaysay dumarka waxay soo shaacsaartay halku dhigeedii caanka noqday ee #NaagIskadhig.

Waxay Tusaale wanaagsan u ahayd dadka kusoo laabtay dalka ee hadana ka shaqeeynayay in Soomaaliya laga bixiyo sawir wanaagsan, in la dhiirigeliyo Nabada iyo horumarka ka socda meelkasta oo Soomaaliya ah, waxayna haldoor u aheyd si gaar ah Haweenka Soomaaliyeed

Mar ay ka sheekaynaysay waxa ay jeceshay in lagu xasuusto oo dabcan maantaba lagu xasuusinayo, waxay tiri:

“Aniga u jeedkeygu ma ahan in aan caan noqdo oo aan lacag sameeyo ee u jeedkaygu wuxuu yahay maxaad ka tageysa markaad dhimato oo ay dadku kuugu xusuusanayaan, marka inshaallah haddii ay dadku igu xusuustaan in aan ahay qof markasta jecel in dadka Soomaaliyeed ay noqdaan dad walaalo ah oo fahmi kara muhiimaadda waddankeena uu leeyahay”.

Hodon waxay ku dhalatay Laascaanood 19760-dii, Iyada iyo qoyskeedu waxay u guureen Canada sanadkii 1984-dii, waxay wax ka baratay Machadka West Humber iyo Jaamacadda Windosor.

Dilkeedu wuxuu Soomaali ula micno yahay Nal- iftiimiyay oo la damiyey! waana sababta ay dad badan uga hadlayaan kuwo kalena ay Murugadu aamusisay, waxaan dareenka tacsida la wadaagaya Qoyskeedii iyo Qoyska Odeygeedii Wasiir hore Fariid Jaamac oo isna ay isku meel ku dhinteen. Labadooduba waxay ahaayeen hal-door bulsho, Wasiir Fariid wuxuu hormuud u ahaa qorshe lagu horumarinayo in dalka la beerto, oo kor u qaadaya wax soo saarka dalka.

Waxaan rajeynaya in dadka Hodon la mid ahaa iyo kuwa iyada ay baraarujisay ee ay ku hagtay ka shaqeynta horumarinta dalka in aysan isdhiibin oo uusan falkan rajo-dilin, Laakiin ay dhameystiraan halgankii walaashood bilowday si Soomaaliya loo gaarsiiyo meel ay istaahisho.

W/Q Jaamac Dabareni Afahyeenka Maamulka Puntland