Kenya oo ku baaqday in Al-shabab lagu daro liiska Argagixisada

0

Dowladda Kenya ayaa ku baaqday in Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab lagu daro liiska waxa loogu yeero Argagixisada.

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma ayaa sheegtay in weerarkii Kismaayo uu ahaa qeyb kale oo Beesha Caalamka xusuusineysa qatarta Al-shabaab.

Monica Juma ayaa sheegtay in loo baahanyahay in Qaramada Midoobey ay liiska waxa loogu yeero argagixisada ku darto.

Waxaa ay soo jeedisay in sida ugu dhaqsiyaha badan Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey uga hadlaan arrinta Al-shabaab.

Monica ayaa dhinaca kale tacsi u dirtay dadkii ku dhintay weerarkii Al-shabaab ay Jimcihii ku qaadeeb Hotelka cas casey ee Magaalada Kismaayo.

Weerarkaas waxaa ku dhintay 26 qof oo 10 ka mid ah ay ahaayeen Ajaanib kuna jireen saddex Kenyaan ah.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii lagu qaaday Hotelka Madina ex-cas caseey ee Magaalada Kismaayo.