Guddoomiyaha golaha Shacabka oo kulan xog wareysi ah la yeeshay Wasiirka qorsheynta Soomaaliya

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane; Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha Shacabka, Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muuddey oo uu wehliyo habdhowraha golaha Shacabka Xil; Maxamed C/llaahi Xasan, ayaa Maanta xarunta Guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa kulan kula qaatay Wasiirka wasaaradda qorsheynta,maalgashiga iyo horumarinta ganacsiga Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan iyo mas’uuliyiin kale.

Xubnaha wasaaradda Qorsheynta ayaa guddoonka golaha Shacabka usoo bandhigay Qorshaha wasaaradda qorsheynta, iyadoo la tashi kala sameyneysa dhammaan hay’adaha Dowladda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Ugu horeyn xubnaha wasaaradda ayaa guddoonka usoo badhigay qorshaha Qaranka iyo marxaladihii kala ee uu soo maray.

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa faah faahiyay kulanka ay la qaateen Guddoonka golaha Shacabka, wuxuuna sheegay in wasaaraddu ay diyaarineyso shuruuc badan oo la xiriira qorsheynta iyo maalgashiga, qaarkoodna ay gaba gabo marayaan oo uu ka mid yahay sharciga NGO-yada si golaha Shacabka loo horgeeyo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, ayaa wasaaradda qorsheynta mdaxdeeda uga mahad celiyay la tashiga ay la sameyneyso hay’adaha Dowladda , wuxuuna sheegay in goluhu uu diyaar u yahay dedejinta shuruuc walba oo Dalka Muhiim u ah.