Faah Faahin Qaraxa Dhuusamareeb iyo Khasaaraha ka dhashay

0

Faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo goor dhoweyd ka dhacay magaalada Dhuusamareeb, iyadoo qof ku xirnaa waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay maqaayad ku dhow Xarunta INJI.

Sida wararku sheegayaan qaraxa ayaa waxaa ku dhintay qofkii isa soo miidaamiyay, halka shan ruux oo mid ay haweeney aheyd ay ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa intaa ku daraya in qofka is qarxiyay uu muddo fadhiyay maqaayad yar oo ku dhow Xarunta INJI oo uu ka howlgalo Madaxa Xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir.

Xaalada magaalada Dhuusamareeb ayaa ah mid degan, waxaana goobta qaraxa uu ka dhacay soo buuxiyay ciidamada amniga, kuwaasoo xiray wadada iyo aagga ay wax ka dhaceen.