DHAGEYSO:-Dad Shacab Ah Oo Lagu Laayay Shabeellaha Dhexe

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawacay oo shalay ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarka ayaa waxaa geystay kooxo hubeysan,isla markaana waxaa ay ku qaadeen Gaari ay la socdeen dad shacab ah oo ku socdaalayay inta u dhexeeysa deegaanka Biyo Cade iyo Tuulada lagu magacaabo Xaaji Cali ee hoostagta Degmada Cadale.

Ugu yaraan 4 ruux ayaa ku geeriyootay weerarka,waxaana ku dhaawacmay 9 qof kalena oo shacab ahaa,kuwaasi la socday gaariga weerarka lagu qaaday oo ka soo ambabaxay deegaanka Biyo Cadde,isagoona ku wajahnaa Tuulada Xaaji Cali.

Xildhibaan Cali Saciid oo kamid ah Xildhibaanada maamulka Hirshabeelle oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Jowhar ayaa waxaa uu ka hadlay weerarkii lagu qaaday dadka shacabka ahaa,isagoon tilmaamay inuu aad uga xun yahay falkaas.