Ciidamada DF-Somalia iyo Ahlu-Sunah oo Howlgalo Deg deg ah ka Bilaabay Dhuusamareeb

0

Wararka laga helayo ayaa Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegayaan in Jugta qarax labaad laga maqlay gudaha Magaaladaas,kaasi oo la sheegay inuu ahaa mid ay qarxiyeen Ciidamada amniga.

Dadka goob joogayaal ah ayaa soo sheegaya in qaraxaas uu ahaa miino ay qarxiyeen Ciidamada amniga,isla markaana aysan jirin cid wax ku noqotay.

Sidoo kale Ciidamada amniga dowlad Goboloeedka Galmudug iyo kuwa Ilaalada gaarka ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa ay baaritaano kala duwan ka wadaan Dhuusamareeb,iyagoona gacanta ku dhigay dad u badan dhalinyaro.

Xaalada Magalada Dhuusamnareeb ayaa Maanta ka duwan sidii hore,waxaana wararku sheegayaan in inta badan Wadooyinka waaweyn  ee Magaalada Dhuusamareeb la dhigay ciidamo farabadan,kuwaas oo dadka iyo gaadiidka u diidaya goobaha qaar.

Qaraxii hore ayaa ka dhacay afaafka hore ee Xarunta INJI ee uu ku shaqeeyo madaxa Xukuumadda Galmudug Sh. Maxamed Shaakir, Waxaana ku dhintay is miidaamiyihii sidoo kalana waxaa ka dhashay Dhaawacyo Fudud.

Waxaa jirto cabsi weyn oo ku aadan inay Magaalada Dhuusamareeb ku jiraan dad kale oo is qarxin rabo sida ay sheegeen hey,adaha Ammaanka waana sababta keentay in halkaas laga bilaabo baadhitaano deg deg ah