Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Saakow

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn dhinaca cirka aheyd oo ka dhacday degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe, iyadoo warar kala duwan ka soo baxaya.

Sida wararku sheegayaan duqeyntan waxaa geysatay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka loo yaqaano, waxeyna beegsatay gaari nooca raaxada ah oo ay saarnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab ah oo Saraakiil iyo dagaalyahano isugu jiray.

Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa soo sheegaya in weerarkan cusub lagu dilay Saraakiil Shabaab ah iyo ilaaladooda, inkastoo aysan si rasmi ah u shaacin tirada xubnaha weerarka waxyeelada ay ku gaartay.

“Duqeynta waxay dhacday xilli dambe oo xalay ah, habeenadanna wey socotay waxaa midan cusub lagu beegsaday Saraakiil ay ku jiraan kuwo mar dhow la soo magacaabay oo Shabaab ah iyo ilaaladooda, Magacyada iyo tiradooda goordhow ayaan Warbaahinta la wadaagi doonaan” ayuu yiri Sarkaal u hadlay Ciidamada howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ka wada Jubbaland.

Shabaabka beegsaday ayaa weerarka kadib isku hareereeyay aagga duqeynta ay ka dhacday, waxaana ay sameeyeen howlgallo la sheegay iney dhalinyaro fara badan ku uruuriyeen, kuwaasoo ay la xiriiriyeen iney wax ka maleegeen weerarka.

Al-Shabaab ayaa todobaadkii hore fagaare ku kala yaala Jubbooyinka iyo Sh/Hoose ku dilay 16 qof oo ay ku sheegeen inay la shaqeynayeen Sirdoonada Soomaalida iyo kuwa reer galbeedka, sida ay sheegeen saraakiisha Shabaabka u hadashay.